Dowladda Soomaaliya oo dalka ka mamnuucday Duulimadyada Caalamiga ah.(Daawo)

March 16, 2020 - Written by Editor

Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa goor dhaw shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay go’aamisay in la joojiyo dhamaan duulimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala.
Wasiir Oomaar ayaa sheegay in shirka dhacay maanta ka dhacay xaafiiska Ra’iisul wasaaraha DFS Xasan Cali Kheyre lagu go’aamiyey in mudo 15 cisho ah la joojiyo duullimaadyada caalamiga ah ee dalka soo gala, kana baxa laga bilaabo 18-ka bisha Maarso.
Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in amarkaan lagu joojinayo duulimaayada Caalamiga ah uu ka dhaqan geli doono guud ahaan dalka oo dhan

Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa sheegay in dowladdu fasixi doonto oo kaliya duullimaayada ka shaqeynaya arrimaha bini’aadanimada iyo gargaarka hadii loo baahdo.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraaid Wasiirka Gadiidka iyo duulista hawada ee DFS Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar .

A/Cawale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online