Gudoomiyaha golaha wakiilada Puntland oo dib ugu soo laabtay Garoowe

March 3, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Cabdirashiid Yusuf Jibril iyo Wafdi oo uu hogaaminayey ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ka dib safar Saddex todobaad ah oo uu safar ugu maqnaa Dalka Jarmalka.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland iyo Wafdigii uu hogaaminayay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhoweeyey Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiillada , Xildhibaano ,Wasiiro, iyo Saraal Ciidan.

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa u mahad celiyey dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay soo dhaweyntiisa waxaan uu si gaar ah u xusay xubnaha golayasha dowladda Puntland iyo weliba bulshada qaybaheed kale duwan ee qaybta ka ahayd soo dhaweyntiisa
Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa waxaa uu ka hadlay colaadihii dhawaan ka dhacay deegaano ka mid ah Gobolka Sanaag iyo weliba dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Dhuusamareeb iyo degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.


——–Dhamaad—–
A/cawaale
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online