Madaxweynaha Jubbaland oo maanta furay kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Jubbaland

March 7, 2020 - Written by Editor

Madaxwaynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamad Islaam ayaa khudbad uu ka jeediyay munaasabadda furitaanka kal-fadhiga labaad ee baarlamaanka Jubbaland ka jeediyay arrimo kala duwan oo ay kamid tahay khilaafka u dhexeeya madaxda xukuumadda federaalka dalka iyo Jubbaland taas oo uu madaxwaynuhu sheegay in ay ku salaysantahay mabaadii’ siyaasadeed, ku dhaqanka dastuurka dalka u dagan iyo dhaqan galinta hanaanka federaalka ee ay ummada Soomaaliyeed ku heshiisay.

Madaxwaynaha ayaa khudbaddan sida wayn looga dhur sugayay ku sheegay in hab dhaqanka madaxda xukuumadda fedraalka haatan hogaaminaya uusan waxba kaga duwanayn siyaasadda ay adeegsato kooxda argagixisada Al Shabaab eek u salaysan in ay shaydaameeyaan cid walba oo ka aragti duwan kuna tilmaamaan qaran in uu yahay dumis sida ay Al Shabaabba dadka aragtidooda diidan ugu tilmaamaan kuwo ridoobay.

Wuxuu madaxwaynuhu intaa ku daray in isu ekaanshaha siyaasadaha xukuumadda federaalk iyo Al Shabaab ay sidoo kale dhalinayso in ay jiraan xidhiidho kale oo iskaashi iyo wada shaqayneed oo labadan dhinac dhex mara.

“Deegaanno badan oo dalka ka tirsan oo nabdoonaa markii ay xukuumaddan xilka qabanaysay haatan waxaa ay ku jiraan gacanta Al Shabaab mana aha wax aan la malaysan karin in uu u dhexeeyo xidhiidh wada shaqayneed,” ayuu yidhi madaxwaynuhu.

Madaxweynaha wuxuu sidoo kale tilmaamay in dawladda federaalka ay gabi ahaanba joojisay dagaalkii lagula jiray kooxda Al Shabaab isla markaana ciidankii hawshan loo tababaray loo soo weyciyay la dagaalanka dawlad goboleedyada dalka ka jira.

Dawladaha taakulada ciidan iyo midda maaliyadeed u fidinaya xukuumadda federaalka ayuu madaxwaynuhu ugu baaqay in ay ka fiirsadaan sida loo adeesanayo ciidanka ay tababaraan iyo hubka ay bixinayaan xukuumadda federaalkana arrinkan kala xisaabtamaan si aysan qayb uga noqonin kala gaynta iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Jubaland TV
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online