Madaxweynaha PL oo Dhagax dhigay Dhisme cusub oo lagu soo kordhiyey Bangiga Dhexe Ee Dowladda Puntland.

March 3, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu kordhiyey Bangiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhigga waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyeynta, Axmed Bashiir Muuse, Maamulka Bangiga Dhexe ee Puntland iyo Injineerro ka socday shirkadda fulinaysa mashruucan.

“Runtii sharaf wayn bay noo tahay inaan kasoo qayb galo dhagax dhigga xafladaan iyada oo tilmmaam u ah isbedelka Dowladda Puntland ay tiigsanayso oo ay ugu horayso Hay’adaha dhinaca Maaliyadda ka shaqeeya iyo Horumarkooda Bangiguna uu yahay meesha ugu muhiimsan ee la rabo inay jihayso oo ay ka shaqayso” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

“Mashruucan waxaan rajaynayaa in uu sida loogu talo galay u fulo, wuxuuna tilmaan u yahay sida ay uga go’an tahay Dowladda Puntland in Hay’adaha Dowladda dib u habayn lagu sameeyo lana tayeeyo” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Gabagabadii Madaxwaynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdilahi Deni ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Bangiga Dowladda Waxaana uu kulan la qaatay Madaxa Bangiga dhexe ee Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD===
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online