Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Safiirka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.(Masawiro)

March 9, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu wehelinayo Madaxwayne Ku-xigeenka Dowladda, Mudane Axmed Cilmi Cismaan karaash ayaa Aqalka Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay, Wefti uu hoggaaminayo Ergeyga Gaar ka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire James Swan ayaa kulanka kadib si wadajira ula hadlay warbaahinta. Madaxweyne siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadleen arrimo ay kamid yihiin doorashada dalka ee 2020/2021, xoojinta amniga, dimuqraadiyeynta iyo hirgelinta Qorshaha Horumarinta Puntland.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire James Swan ayaa dhankiisa xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadidoonaan taageerada dhanwalba leh ee ay ka taageerto Dowladda Puntland.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWALADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online