Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya

March 8, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Villa Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa ka guddoomay dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay wafdiga Dowladda Kenya ee soo gaaray dalka muhiimadda ay leedahay ka miro-dhalinta dadaallada lagu wajahayo caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, isagoona rajeeyey in dhambalkan iyo wadahadallada labada dal ay dhabbaha u xaaraan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mudane Fred Matiang’i ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan uu uga siday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, isaga oo muujiyey dareen qaddarin iyo tixgelin ku dheehan tahay oo dalkiisu ay u hayaan shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Dhambaalkan uu guddoomay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa salka ku haya sidii loo sii amba-qaadi lahaa, loona horumarin lahaa hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo isweydaarsiga aragtida guud ee xiriirka labo geesoodka ah, iyada oo la xaqiijinayo xasilloonida iyo danaha wadajirka ah ee heer Gobol.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ajiibay marti qaad rasmi ah oo uu fidiyey Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Uhuru Kenyatta, kaas oo ay soo gaarsiyeen wafdigan soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha kulankan waxaa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee XFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Cabdulqaadir Sheekh Cali (Baqdaadi) iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

——–DHAMMAAD——–

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online