Qodobadda ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.

March 19, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Shirka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland oo uu Shir-guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa todobaadkan looga hadlay Amniga, ka jawaabista baaqyada iyo soojeedintii Shirweynaha Wadatashiga Puntland ee kusoo baxay War-murtiyeedkii Shirka Wadatashi iyo Caabuqa Coronovirus.

Kulanka Golaha Wasiirada ee Dowladda Puntland waxaa maanta ka qeybgalay Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, waxaana Goluhu uu ka jawaabay baaqii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

* Goluhu wuxuu Ayiday War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Wadatashiga Puntland, waxaana la isla qaatay in la fuliyo dhammaan baaqyadii iyo talooyinkii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland.

* Iyadoo laga duulayo Baaqii kasoo baxay Shirka Wadatashiga ee ku saabsana in Puntland doorkeeda qaadato, si Soomaaliya uga gudubto marxalada Siyaasadeed ee jirta.

Waxaa uu goluhu isku raacay in Madaxweynaha iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay tagaan caasimadda Muqdisho iyo magaalo madaxyada Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah, si ay ugu gogol xaaraan inuu qabsoomo Shirka ay Puntland gogoshiisa dhigtay iyo in dhammaan Madaxda Soomaaliyeed ay kasoo qeybgalaan Shirkaasi si xal loogu helo khilaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha Xubnaha ka ah.

Goluhu waxaa uu u mahadceliyey dhammaan dadkii kasoo qeybgalay Shirka Wadatashiga Puntland, sida wafdiga ka socday Dowladda Federaalka ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Dibedda, Xubnaha labada Aqal ee Dowladda Soomaaliya, Madaxweyneyaashii hore ee Puntland, Saraakiishii hore Ciidamada heer Soomaaliya iyo heer Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Puntland, Isimada, Haweenka, Ergooyinka Gobolada ka yimi iyo dhammaan marti sharafta kale ee shirkaasi kasoo qeybgashay.

Sidoo kale, Goluhu waxaa uu u mahadceliyey guddiyadii iyo dhammaan dadkii kasoo shaqeeyay qabsoomida Shirka Wadatashiga Puntland, si gaar ah waxaa loogu mahadceliyey Ciidamada Amniga, Jaamacadda PSU, Warbaahinta, Kooxaha farsamada iyo cidkasta oo door ka qaadatay in uu Shirkaasi guuleysto.

Goluhu isagoo illaalinaya badqabka Caafimaad ee dadweynaha Puntland, darsayna warbixinta caafimaad ee ay Golaha la wadaageen Guddiga loo magacaabay wax ka qabashada Cudurka Coronovirus, waxaa uu Goluhu ku dhawaaqay:

– in laga billaabo maanta muddo labo Asbuuc ah la fasaxay Goobaha Waxbarashada, Iskuulada, Jaamacadaha iyo Dugsi quraannada.

– In Masaajida iyo goobaha kale ee la isugu yimaado la yareeyo, isu imaatinka dadka badan mudaddaasi.

– In gebi ahaanba la joojiyey Kulamadii la isugu iman jiray, in la yareeyo Safarada iyo in shaqaalaha Dowladdu ay shaqooyinka looga maarmi karo isu imaatin ay masaafo kusoo shaqeeyaan.

– Goluhu wuxuu ugu baaqay Ganacsatada Puntland in ay kordhiyaan Kaydka cunto iyo waxyaabaha daruuriga ah mudadda xaaladdan lagu jiro.

Inkasta oo aysan illaa iyo hadda Ka jirin Puntland xaalad ku saabsan cudurkan, hadana Goluhu wuxuu ku baaqaya in Dowladd iyo Shacaba lala shaqeeyo Guddiga Dowladdu u saartay xaaladda Cudurka Coronovirus, si looga hortago halista cudurkan oo si xawli ah ugu fidaya adduunka.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online