Shirkii wadatashi Puntland oo galay maalintii 2aad [Masawiro]

March 16, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, ayaa kala qeybgalay ergooyinka Shirka kulamada gaarka ah ee looga doodayo Qodobada Shirka looga hadlayo.

Dhammaan ka qeybgalayaasha shirka ayaa loo kala qeybiyey 5-qeybood oo kala ah:

• Golayaasha Dowladda iyo Saraakiisha
• Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Qurbajoog
• Isimada
• Ganacsatada iyo Cuqaal
• Ergooyinka Gobalada, Haweenka, Dhallinyarada, Bulshada rayidka ah iyo Hayáddaha madaxa banaan.

Ergooyinka Shirka ka qeybgalaya ayaa ka doodaya Saddex qodob oo midkiiba dhowr qodob usii kala baxo:

1-Puntland:
– Midnimada
– Amniga
– Horumarka
– Dawladnimada iyo dimuqraadiyeynta

2-Federaalka:
– Federaaleynta Dalka Soomaaliya iyo Doorka Puntland
– Dib u eegista dastuurka
– Doorashada 2020
– Qaybsiga awoodaha iyo kheyraadka
– Wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

3-Doorka Puntland ee Wada hadalada Dowladda dhexe iyo Somaliland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online