Taliyihii Ciidanka Booliska Afgooye oo la Dilay

March 22, 2020 - Written by Editor

Wararka ka imanaya magaalada Afgooye ayaa sheegaya in qarax maanta ka dhacay agagaarka deegaanka Lafoole lagu dilay taliyihii booliiska ee magaalada Afgooye.

Goob joogayaal ayaa VOA-da u sheegay in Dhamme Cabdulqaadir Cismaan Mursal Nuunow iyo saddex ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen qarax lala beegsaday.

Goobjoogayaasha ayaa idaacadda VOA u sheegay in qaraxaasi uu ka dhashaya miino lagu aasay waddada dhinaceeda oo ka dhacay jidka isku xira Afgooye iyo Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan miinooyinka ku aasa deegaankaas, isla markaana sheegta mas’uuliyadda weerarrada noocan ah.

Taliyaha la dilay Dhamme Cabdulqaadir Cusmaan Mursal Nuunow ayaa in muddo ah soo hoggaaminayey ciidamada booliiska ee magaalada Afgooye.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
March 2020
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online