DFS oo diiwaan-gelisay 9 kiis oo cusub oo Coronavirus ah

April 10, 2020 - Written by Editor

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in la xaqiijiyey sagaal qof oo hor leh oo ku sugan magaalada Muqdisho uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 10/04/2020, waxaan xaqiijinaynaa inay soo kordheen 9 xaaladood oo cusub oo laga helay cudurka Corona. Dadkaan ayaa dhamaantood ah dad ku sugan magaalada Muqdisho oo aan wax safar ah dhowaan galin,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay wasaaradda.

Sida lagu xusay qoraalka wasaaradda kasoo baxay, 6 kamid ah dadka laga helay cudurka ayaa ah “dad horey xiriir ula sameeyay qof ka mid ah dadkii horeya cudurka looga helay.”

Dadka cudurka laga helay ayaa waxaa ku jira laba sarkaal oo u shaqeeya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada taasoo ka dhigaysa tirda guud ee shaqaalaha Wadaaradda Caafimaadka ee uu saameeyay cudurku afar.

Tirada guud ee dadka cudurka Coronavirus laga helay ee wadanka oo dhan ayaa hadda ah 21 qof. Qof ka mid ah dadkaas ayaa geeriyooday Arbacadii.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online