Ganacsatad Gobolka Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari oo shir jaraa’id ku qabtay Boosaaso.[Video]

April 23, 2020 - Written by Editor

Hiiraan:-Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa waxaa ay ka hadleen hadalo saxafadda uu ka sii daayey Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan taas oo ku saabsan raashinka quutul daruuriga ay kala soo degaan dekkadda Boosaaso oo ilaa intii burburku dhacay ay ka ganacsanayeen.

Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa sheegay in mudo dhan 23 sano ay ka ganacsanayeen Gobolka Bari ayna wax kala soo degayeen dekkada Boosaaso iyagoo aan la kulmin wax dhibaato ah.

Ganacsatada Hiiraan ee ku dhaqan Gobolka Bari ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah ayna fiicnayn in laga dhex abuuro fidno salka ku haysa arrimo siyaasadeed waxaan ay cadeeyeen in shacabka Puntland iyo shacabka ku dhaqan Gobolka Hiraan ay ka dhexeysa walaalnimo iyo in ay isku gurmadaan.

Dhinac kale Gudoomiyaha Gobolka Bari oo ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in uu u mahad celinayo ganacsata gobolka Hiiraan isagoo dhinac kale wax laga xumaado ku tilmaamayo in dadka Soomaaliyeed laga dhex abuuro fidno iyo wax aan u wanaagsanayn wada jirkooda.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online