Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dekedda Boosaaso oo kordhiyey shaqada Dekadda Boosaaso

April 16, 2020 - Written by Editor

BOOSAASO-Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa Dekedda boosaaso ku soo kor dhiyay shaqaynta Saacado dheeraad ah oo ku aadan Cashuurista badeecooyinka soo dega.

Maamulaha Furddadda Boosaaso Maxamed Yuusuf oo la hadlay Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa ka hadlay saacadaha shaqada.

“Ilaahay baa mahadi u sugnaatay, waxaa siwanaagsan u socdaa dhaqdhaqaaqa shaqo ee Dekedda Boosaaso Dejin iyo dhoofinba.)(Export and Import) waxyna madaxda Wasaaradda Maaliyaddu ku soo kordhisay shaqayn saacado dheeri ah oo macnaheedu yahay in xilli walba ay shaqadii furdadda Boosaaso shaqayneeyso halkii awal 5ta galabnimo ay cashuurta badeecooyinku joogsan jirtay”

Maxamed Yuusuf Maamulaha furddada boosaaso oo hadal kiisa siiwata ayaa sidoo kale la hadlay Ganacsatada.

“Dawladnimadu waa Cashuurta oo la bixiyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee adeegsata Dekedda boosaaso waxaan uga mahad celinaynaa sida wanaag san ee ay u Cashuurtaan badeecooyinkooda waxana rajay naynaa in ay ka faa’idaysan doonnaan saacadaha dheeraadka ah, anaga oo u diyaarinay shaqaale siwayn loo carbiyay, sidaasi waxaa yiri Maamulaha Furddada boosaaso”

Dhankale culayska shaqada ayaa Waxaa fududeeyay habka Computer-ka casriga oo dhowaan laga hirgaliyay furdadda, ayadoo cashuur bixiye kasta ay ku qaadato daqiiqado kooban ka dibna badeecaddiisa uu la boxo.

Ugu dambayn Maamulaha Furdadda Boosaaso Maxamed Yuusuf ayaa Bulshada Soomaaliyeed ugu duceeyay in ilaahay ka bad baadiyo xanuunka (Coronavirus) iyo masiibooyinka kale.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online