Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Hambalyo u diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

April 12, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ahna Guddoomiyaha Guddiga Wacyigelinta iyo Ka hortagga Coronvirus, ayaa caawa ka hadlay dadaalka Dowladdu ku bixinayso ka hortagga Covid-19 iyo doorka looga baahanyahay shacabka oo ah u hoggaansanka awaamiirta looga hortagayo cudurkan, sida bandowga , yareynta isu imaatinka bulsho, xirista goobaha la isugu yimaado iyo qaadka sida dhuumaaleysiga ah marmar kusoo gala Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyeeyay sanadguuradii 60-aad ee kasoo wareegatay maalinta asaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadibna wuxuu ka tacsiyadeeyay geerida Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Cadaaladda ee Hirshabeelle Alla Ha’unaxariistee Khaliif Muumin oo Muqdisho ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.
Intuu ka hadlayey xaaladda Coronavirus iyo Dadaalka Dowladdnimo ee ka socda Puntland oo arrintaasi looga hortegayo , Wuxuu Madaxweynuhu si gaar ah ula hadlay Ganacsatada iyo Culimada oo uu ugu baaqay inay doorkooda ka qaataan dagaalka Dowladdu kula jirto Cudurkan halista ah sidii uusan usoo gaari laheyn Puntland, maadaama siyaasadda Dowladdu qaadatay ay tahay in ka hortagg la sameeyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa u mahadceliyey dhammaan warbaahinta Puntland doorka muhimka ah ee ay ka qaateen wacyigelinta iyo fariimahu inay bulshada si wanaagsan u gaaraan.

DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online