Madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyey Ambassador Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic

April 6, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni oo ku hadlaya magaciisa, kan Dowladda iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Danjire Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic oo xalay geeriyoodey.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga tacsiyeeyey geerida marxuum Ambassador Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay.

“Waxaan ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Ambassador Maxamed Cumar Jaamac Dhigic-Dhigic oo runtii ahaa shakhsi muddo dheer dalka kasoo shaqeeyey, Wasiir Wasaarado badan kasoo noqday, muddo dheer ahaa Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Belgium, sidoo kale burburkii ka dib aasaaskii Puntland door muhiima kulahaa”.

“Waxa uu kamid ahaa Madaxdii Puntland kusoo laabatay ee qaybta ka ahayd dhismaheedii. Maxamed Cumar Jamac Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaanna Alle hakasiiyo dhammaan qaraabadii, eheladii asxaabtii iyo intii taqaaneyba” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

– DHAMMAAD –
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online