Madaxweynaha JFS oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Bisha Ramadaan

April 23, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay dadka muslimiinta ah, gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha ayaa xusay fadliga Bishan barakeysan iyo maalmahan xurmada badan, waxa uuna Alle ka baryey in uu naxariis iyo nimco ku manneysto dalkeenna iyo dadkeenna.

“Bisha Ramadaan waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha ay ku jirto habeenka kheyrka badan ee Leylatul Qadriga. Waa bisha sheydaanka la xiro, muslimiintana naarta laga xorreeyo iyo kheyr kale oo badan.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ku baraarujiyey halista caafimaad ee ku xeeran dalkeenna oo ah mid aan la dhayalsan karin, maadaama tirada dhimashada iyo bukaannada uu soo ritay cudurka COVID-19 ay aad u korortay.

“Dhammaanteen shacab iyo dowladba waa in aan ku baraarug-sannahay halista caafimaad ee dalkeenna ku xeeran ee uu sababay cudurka COVID-19. Waa in aynu u istaagnaa sidii aan ula shaqn lahayn laamaha caafimaadka, uguna hoggaansami lahayn talooyinka iyo awaamirta caafimaad ee lagu ilaalinayo badqabka iyo caafimaadka bulshadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku booriyey dadka Soomaaliyeed in ay is-cafiyaan oo ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, maadaama ay jiraan walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan. Sidoo kale ka shaqeynta danta guud oo amnigu ugu horreeyo, kuwaas oo dhammaantood tiirar u ah waajibaadka diinteenna suuban ee Islaamka.

Dhammaad

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online