Madaxweynaha Puntland Maqal iyo Muuqaal ah Ku Shir-guddoomiyey Kulanka Guddiga Diyaar-garowga iyo Ka hortagga Covid-19.

April 15, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Guddoomiyaha Guddiga Puntland u qaabilsan diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa galabta Shir-guddoomiyey kulanka Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga ee Coronavirus.

Madaxweynaha Dowladda Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe, ayaa Shirkan ku-guddoomiyey hab maqal iyo muuqaal ah iyadoo Guddi hoosaadkasta oo Guddiga ka mid ah muuqaal-wicitaanka kasoo galeen Xarumaha Wasaaraddaha Caafimaadka, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Waxbarashadda.

Guddiga oo u kala qeybsan Wacygelinta, Amniga, Maaliyadda iyo Maciishada ayaa warbixin ka siiyey Madaxweynaha shaqooyinka qabsoomay iyo sida ay u socoto diyaar-garowga iyo ka hortagga ee caabuqa Covid-19.

“Waxaan galabta qaab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Guddiga diyaar-garowga iyo ka hortagga Covid-19, Waan bogaadinaya illaa iyo hadda shaqada socota, oo runtii aan ku ammaanayo guddi hoosaadka sida joogtada ah ee ay shaqada u wadaan tan iyo markii aanu howshan bilownay.

Halista Cudurkan waa mid ka muuqata adduunka iyo sida uu u saameeyay, sidaasi darteed ka Dowladd ahaan si aan dadkayaga u badbaadino waxaan goor horeba bilownay oo xoogga saarnay wacygelinta iyo ka hortagga cudurkan.

Dadweynaha Puntland anoo ku amaanaya siday ugu hoggaansameen awaamiirta Dowliga ah, waxaan hadana ugu baaqaya in ay qaataan talooyinka Hay’addaha Caafimaadka” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay in muddo kordhin Bandow la sameeyay, waxaana lagu kordhiyey muddo 14cisho in uu sii socon doono bandowga saaran guud ahaan magaalooyinka Puntland, waxaa sidoo kale la joojiyey Jimcaha iyo Jaamacada in Masaajida lagu tukado si loo illaaliyo badqabka caafimaad ee dadka.

=DHAMMAAD=

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online