Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo gaaray Qardho [Dhagayso]

April 28, 2020 - Written by Editor

Qardho: Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ka mid culimada iyo ducaada oo ka soo kicitimaya magaalad Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa saaka gaaray magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar si ay bal uga soo diyaariyo warbixin dhamaystiran iyo khasaaraha gaaray magaalada Qardho.

Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur oo ku sugan magaalada Qardho ayaa waxaa uu iiga waramay khasaaraha gaaray magalaada oo isagu jira hanti biyihu qaadeen , guryo dumay , iyo dhimasho gaaraysa ilaa 6 qof inta hadda la hubo walow ay jiraan dad weli la’la yahay.

Culimada Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Sh Fu’aad ayaa waxaa lagu xasuustaa gurmadkii ay u sameeyen dadkii ay ku dhacday Abaartii Sima iyo weliba gurmadkii shacabka soomaaliyeed ee Beledweyne ee dhibtu ka soo gaartay Fatahaadii webiga.

Dhinac kale culimada ,ducaada, maamulka Gobolka Qardho iyo waxgaradka ku sugnaa magaalada Qardho ayaa waxaa ay wadaan dadaal ay ugu gurmana yaan dadkii dhibku ka soo gaaray roobabkii xalay iyo daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho.

Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur ayaa nala wadaagi doono khasaaraha iyo hantida ku burburtay roobabkii iyo daadadkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

Halgan.net · Sh Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur


M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online