Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland oo Agab caafimaad kala wareegtay maanta dalka Emaratka carabta

April 8, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Wasiirka Caafimaadka Dawlada Puntland Dr Jama Farax Xasan ayaa maanta garoonka diyaaradaha boosaaso kula wareegay agab caafimaad oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka aduunka ku sii fidaya ee Covid-19 kala wareegay Dalka Emaratka Carabta.

Wasiirka oo ay weheliyaan guddiga dawlada ee Covid-19 ayaa garoonka diyaaradaha qalabkaan kula wareegay, qalabkaan oo ay keentay diyaarad laga leeyahay dalka Emaratka carabta.

Qalabka markii uu la wareegay kadib wasiirka oo ku hadlayay magaca guddiga dawlada ee Covid-19 ayaa hadal kooban ka jeediyay garoonka ayaa “ugu horayn uga mahadceliyay dalka emaratka carabta qalabkan caafimaad ee waqtigii loo baahnaa ay soo gaarsiiyeen Puntland.”

Wasiirka ayaa sidoo kale uu “ku amaanay madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani kaalinta uu ka qaatay in qalabkaan uu soo gaaro Puntland iyo sida wasaaradda iyo guddigaba ugu garab istaagay shaqada ay wadaan.”

Ugu danbeyn wasiirka ayaa shacabka Puntland kula dardaarmay inay qaataan talooyinka ka imaanaya dawlada iyo hay’addaha caafimaadka iska ilaaliyaan waxyaabaha keeni kara fiditaanka xanuunkaan,sida ay tahayna ay udhaqangaliyaan amarada dawlada ka soo baxaya ee ay ugu horeeyaan isku imaatinka ilaalinta nadaafada gacmahooda.”

Dhamaad-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
April 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online