Ciidanka PSFoo howl gal ku qabtay xubno ka tirsa Al-Shabaab iyo Daacish

May 13, 2020 - Written by Editor

Boosaaso: Ciidanka PSF ayaa waxaa ay Hawlgal gaar ah galabta oo Taarikhdu tahay  13, 2020 ka sameeyeen gudaha magaalada Bosaaso waxay ku soo qabteen qaraxyo kala duwan oo ay kooxda Daacish ku diyaariyeen guryo ku yaal magaalada Bosaaso si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Ciidanka PSF ayaa sheegay in Qaraxyadan ay ciidamada fashiliyeen ay koobnaa qaraxyada dhulka la geliyo iyo suumanka qaraxa ee ay naftood-haligyaashu isku qarxiyaan.

Hawlgalkan ay ciidamada PSF galabta fuliyeen ayaa daba-socday hawlgalkii sagaalkii bishan ay ciidanka PSF ka sameeyeen Bosaso oo lagu diley xubin muhiim ah ka tirsanaa Daacish sidoo kalena lagu soo qabtay madaxii Amniyaatka Daacish ee gobolka Bari iyo 2 gaari oo qaraxyo lagu soo xiray.

Ciidamada PSF waxaa kale oo ay hawlgalkan galabta ku soo qabteen 3 maxbuus oo ah argagixisadii qaraxyadaas maleegayey.

Ciidamada PSF ayaa qoraalkaan oo ay ku faafiyeen bar ay ku leeyihiin baraha bulshada waxaa ay ku sheegeen in ay sii wadi doonaan hawl gallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan kooxaha cadowga ah ee Al Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada PSF ayaa shacabka reer Puntland ka codsaday in ay ciidamadooda ku garab istaagaan ka hortaga cadowga ku hawllan gumaadka iyo waxyeelaynta shacabka,Haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah ama aad ka shakidid nagala soo xiriir telefoonadan 477/388.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online