Ciidanka PSF oo howlgal ka fuliyey magaalada Boosaaso

May 9, 2020 - Written by Editor

Ciidanka Amniga Puntland (PSF) waxay saaka (May 09, 2020) ka fuliyeen gudaha magaalada Bosaso hawlgal qorshaysan oo ka dhan ah kooxaha cadowga ah,hawlgalkaas oo ay ciidanka PSF kaga hortagayeen qaraxyo iyo dilal ay cadowgu ku doonayeen in ay ka geystaan magaalada Bosaso.

Intii hawlgalku socday,waxay ciidanka PSF dileen xubin ka tirsan Amniyaatka Daacish,waxayna dhaawac u geysteen nololna ku soo qabteen sarkaal sare oo ka tirsan Amniyaatka cadowga Daacish,kaas oo ahaa madaxii dilalka iyo qaraxyada u qaabilsanaa cadowga Daacish ee gobolka Bari,kaas oo ay xogtiisa ciidanku ku raad-joogeen.

Sidoo kale, intii hawlgalku socday waxay ciidanka PSF fashiliyeen oo ay soo qabteen qarax cadowgu gaari ku soo xireen oo ay doonayeen in ay ku waxyeelaan shacabka magaalada Bosaso.

Ciidanka PSF waxay uga mahad-celinayaan shacabka reer Puntland siday ciidamadooda amniga u garab taagan yihiin, soo wac haddii aad aragtid wax amniga lid ku ah telefoonadan 477/388.

Halgan.net
Boosaaso

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online