Guddoomiyaha Golaha Wakilladda Puntland oo Hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed

May 15, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakilladda Dawladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa hambalyo u direy shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, sannadguuradii 77-aad ee ka soo wareegtay munaasabadda 15-ka May oo ah markii la aasaasey dhaqdhaqaaqii xornimadoonka ahaa ee dalkeena.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland waxaan Hambalyo iyo bogaadin ku aadan 77-guurada 15ka May Hawada u marinayaa dhalinyarada Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada reer Puntland. Maanta oo kale waa maalinkii uu aas’aasmay halgankii gobonimodoonka ahaa ee ku dhisnaa wadaniyadda, dadnimada iyo gaadhista dad iyo dal xor ah oo Dawlad ah.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Golaha Wakiillada DPL

Guddoomiyaha Gollaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdi rashiid Yuusuf Jibril ayaa si gaar ah u xusay 13kii halgame ee SYL iyo intii garab istaagtay ee inoo keenay madax-banaanida Soomaaliya ee maanta la wada dugsanayo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online