Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Magacaabay Gudoomiyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka

May 15, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka. Waxa uuna xilkaas ka qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan ayaa Madaxweynuhu waxa uu u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan oo horey uu u hayey Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku ammaanay gudoomiyeyaashii hore ee xilka laga qaaday wakhtiga ay u hureen u adeegidda shacabkooda iyo dalkooda.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online