Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay Gurmadkii Fatahaadaha Qardho ,Coronavirus iyo Amniga

May 9, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Amniga, gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus. Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey howlgalkii Ciidamada amnigu maanta ka sameeyeen Boosaaso kaasi oo lagu fashiliyey weerar ay argagixisadu soo maleegtay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka hadlay arrimaha gurmadka Qardho iyo sida uu u socdo, wuxuu u mahadceliyey dhammaan cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka, guddiyadii iyo dhinacyadii kale duwanaa ee ka shaqeynayey.

Halista xanuunka Covid-19 ayuu Madaxweynuhu bulshada uga digay, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay qaataan fariimaha iyo talooyinka ay bixinayaan Hay’addaha Caafimaadka u qaabilsan Dowladda.

=DHAMMAAD=
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYAD DOWLADDA PUNTLAND

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online