Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka tacsiyeeyey geerida Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid

May 25, 2020 - Written by Editor

Inaalilaahi wa inaa illayhi raajicuun

Garoowe 25 May, 2020.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa uga tacsiyeeyey guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday wasiirkii wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada Puntland Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan qoyskii iyo iyo eheladii uu ka geeriday Marxuum Ismaaciil Diiriye Gama’diid Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo isbedelka Cimilada”.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa illaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

“Waxaan illaahay uga baryayaa inuu dembigiisii dhaafo janatul firdowsana ka waraabiyo dadkiisa iyo dalkiisa uu u shaqaynayayna samir iyo iimaan ka siiyo”.

-Dhammaad-

Xafiiska Warbaahinta Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland.

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online