Mareykanka: Soomaali lagu soo oogay dacwado la xiriira Al-Shabaab

May 27, 2020 - Written by Editor

Dacwad-oogayaasha Dowladda Federaal Mareykanka ayaa Talaadadi shalay si rasmi ah dacwado la xiriira argagixisanimo ugu soo oogay Liibaan Xaaji Maxamed oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, balse heysto dhalashada Mareykanka, kaasoo Mareykanka ka cararay sannadki 2012-ki.

Maxkamad heer federaal ah oo ku taalla gobolka Virginia ayaa shalay Liibaan Xaji Maxamed looga soo oogay eedo ay ka mid yihiin in looga shakisanyahay inuu Mareykanka ka qorayay rag ku biira kooxda Al-Shabaab iyo inuu taageero maaddi ah siinayay kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Xafiiska xeer ilaalinta Mareykanka ee magaalada Alexandria ee gobolka Virginia, ayaa sheegay in eedaha kale ee uu Liibaan wajahayo ay tahay isku-dayga inuu rabay inuu shaqaaleysiiyo sarkaal dharcad ah si uu ugu safro Soomaala isla markaana uu tababar u soo siiyo dagaalyahannada Al-Shabaab.

Waxaa kale oo lagu soo eedeeyay inuu qorsheynayay inuu xirfaddiisa dhanka warbaahinta u adeegsado sidii uu uga qeybqaadan lahaa qeybta borobogaandada warbaahinta Al-Shabaab ee ay kusoo jiitaan dhalinyarada uga soo biirta dalalka Galbeedka.

Liban Haji Mohamed, oo ah 34, kasoo jeeda magaalada Alexandria, ee gobolka Virginia, balse ku dhashay Soomaaliya, ayaa marki uu Mareykanka joogay ku shaqeyn jiray Taksi. FBI-da ayaa sheegtay in ay dhaq-dhaqaaqiisa xiriirka uu la leeyahay Al-Shabaab ka war-shehay sannadki 2010-ki.

Wuxuu Mareykanka ka baxsaday bishii July ee sannadki 2012-ki. Sannadki 2015-ki ayay FBI-da ku dartay liiska argagxisida sida aadka loo doon-doonayo. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Liiban uu ku xiranyahay Soomaaliya, balse Soomaaliya iyo Mareykanka kama dhaxeeya heshiiska gacan-gelinta eedeysanayaasha.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
May 2020
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online