Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Oo Xilka La wareegay.

June 1, 2020 - Written by Editor

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Munaasibadda oo ku dhacday hab- maqal iyo muuqaal ah waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Cabdiweli Timacadde, Af-hayeenka Madaxtooyada Jaamac Dabaraani iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada Madaxtooyada.

Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdiladiif wuxuu ka warbixiyey shaqadii qabsoontay intuu xilka hayey iyo qorsheyaasha u yaallay, isagoo kelmad dardaaran iyo mahadcelin ah u jeediyey dhammaan Shaqaalaha Madaxtooyada.

Cabdiweli Timacadde Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada oo wakiil ka ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Maxamed Cabdiladiif, ayaa Dukumentiyada iyo agabka kale ee xafiiska ku wareejiyey Agaasimaha cusub Maxamed Cabdirashiid Cali.

Dhammaadkii kulanka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Cabdirashiid ayaa hadal kooban jeediyey, wuxuuna uga mahadceliyey agaasimihii hore shaqada uu soo qabtay, iyo sidoo kale dhammaan shaqaalaha lasoo shaqeeyay.

—Dhamaad—

Comments are closed.

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online