Boosaaso: Xukun dil ah oo lagu fuliyey rag ka tirsanaa Al-Shabaab

June 13, 2020 - Written by Editor

Boosaaso:-Magaalada Boosaaso ayaa waxaa maanta lagu toogtay saddex nin oo horey ay maxkamadi ugu ridday xukun ah iney ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab, kuwaasi oo muddo sanad ku dhow ku xirnaa xabsi ku yaalla magaaladaasi.

Ciidamada ammaanka ee Boosaaso ayaa raggan ka qabtay magaalada xilli ay ku guda jireen howlgal ay ku raadinayaan malayshiyaadka Al-Shabaab.

Saddexda qof ee maanta dilka lagu fuliyey ayaa ka ah: Maxamed Xasan Barre, Bishaar Maxamed Xassan iyo Cabdixakiin Maxamed Faarax.
Maxkamadda darajada koowaad ayaa ridday xukunka dilka ee raggan maanta la toogtay iyadoo maxkamadda racfaankuna ay ku raacday go’aankaasi.

VOA Somalia
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online