Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo gaaray Qardho

June 6, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa saaka soo gaaray magaalada Qardho.

Guddoomiyaha ayaa duleedka magaalada Qardho waxaa ku soo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, maamulka heer Gobol iyo Heer Degmo iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ka dib waxay Saxaafadda kula hadleen aqalka Madaxtooyadda isaga oo uga mahadceliyay Madaxda Dawladda & shacabka Qardho soo dhaweynta ay u sameeyeen.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Comments are closed.