Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo la kulmay PUNSAA

June 3, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibril oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa kulan la qaatay Daladda ay ku midaysanyihiin Ururada Bulshada Rayidka ah ee PUNSAA

Ururada Bulshada rayidka ee PUNSAA ayaa Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland uga mahad-celiyey soo af-jaridda kala aragti duwanaanta maamul iyo shaqo ee u dhexeysay Madaxweynaha & Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland.

Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland & Daladda ay ku midaysan yihiin Ururada Bulshada rayidka Puntland ee PUNSAA ayaa ka wada-hadlay xoojinta wada-shaqeynta Golaha Wakiillada DPL & Ururada Bulshada rayidka ah.

Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa uga mahadceliyey booqashada ay xarunta Golaha ku yimaadeen Ururada Bulshada Rayidka ah, waxayna balanqaadeen inay markasta soo dhaweynayaan talooyinkooda ku aadan maslaxadda dalka & dadka Puntland.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online