Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Wakiillada PL oo la kulmay Wasiirka Wasaaradda Shaqada.

June 12, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Xildhibaan Cali Axmed Saalax ( Cali Dhahar), Guddoomiye ku xigeenka iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland Mudane, Jaamac Faarax iyo Agaasimaha Guud Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha Dhalinyaradda & Ciyaaraha DPL. Mudane, Axmed Cabdalla Tigaana iyo Hawl-wadeeno ka tirsan Wasaaradda.

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay madaxda Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

kulanka ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa wixii u qabsoomay Wasaaradda, caqabadaha jira iyo guud ahaan mashaariicda socda.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland
E-mail: info@puntlandparliament.net

Comments are closed.