Madaxweynaha DFS J oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka.

June 22, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaana lagu heshiiyey in shirkaas rasmiga ah uu degdeg u qabsoomo, iyada oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu go’aaminayo goobta iyo wakhtiga shirka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.

—DHAMMAAD—-

Comments are closed.

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online