Madaxweynaha Gal-mudug oo shir guddoomiyay Shirkii Golahiisa Wasiirada

June 12, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Gal-mudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug oo ka dhacay Magaalda Gaalkacyo.

Ajendaha shirka waxaa ka mid ahaa arrimaha amniga, dhismaha ciidamada Galmudug iyo saameynta caabuqa covid19 ku yeeshay Galmudug.

Golaha wasiirada oo si qoto dheer uga dooday qodobada ajandaha ayaa soo dhaweeyay habsami u socodka hawlaha amniga Galmudug lagu adkaynayo iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka argagixisada.

Dhanka kalena waxaa golaha wasiiradu ansixiyeen hindisaha dhismaha Ciidanka Daraawishta Galmudug, ayagoona go’aamo ka gaaray Xakameynta hubka iyo gaadiidka maleeshiyaadka.

Gebogabadii shirka, waxaa si gaar ah Goluhu u bogaadiyay dadaalada ay wadaan wasaaradaha Amniga gudaha iyo Caafimaadka ee Dowladda Galmudug.

—-DHAMAAD—–

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

241,018 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>