Madaxweynaha Gal_Mudug oo caawa soo gaaray Gaalkacyo

June 26, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Gal-Mudug Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar dhulka ah kusoo gaaray caawa magaaladda Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa in ay kulan wada qaataan madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Abdullahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Kulanka labada Madaxweyne ee Puntland iyo Gal-Mudug ayaa la filayaa in diirada lagu saaro siddii loo adkeyn lahaa amniga Gobolka Mudug iyo in Gal-Mudug iyo Puntland ay yeeshaan iskaashi dhinac amniga iyo horumarka ah.

Ilo wareed ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa noo sheegay in laga yaabo in kulanka labad madaxweyne lagu soo qaado arrimaha ku saabsan doorashooyinka Soomaaliya iyo khilaafka ka dhexeeya maamul gobolledyada iyo Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,046 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>