Madaxweynaha Puntland iyo Gal-Mudug oo ku kulmay Gaalkacyo.[Masawiro]

June 26, 2020 - Written by Editor

Gaalkacyo:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni, ayaa hadda qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Gaalkacyo ku qaabilay Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa ay ka wada qayb galeen Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug oo hadda ka socda Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Gaalkacyo.

Shirka oo ay ka qeybgalayaan Xubno ka socda Goleyaasha Dowladda ee Puntland iyo Galmudug, Xildhibaano Aqalka Sare ah iyo La-taliyayaal, waxaa looga hadlay Amniga, dib u heshiisiinta, xoojinta siyaasadda, nabadda iyo dhaqaalaha.

Shirka iskaashiga Puntland iyo Galmudug ayaa kusoo dhammaaday is afgarad iyo in laga wada shaqeeyo Amniga, dib u heshiisiinta , xoojinta siyaasadda nabadda iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor waxay wadajir u bogaadiyeen iskaashiga labada dhinac , iyadoo ay jiri doonaan guddiyo kasii shaqeeya qodobada lagu heshiiyey si ficil loogu bedelo .

dhinac kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa ay si wadajir ah uga hadlay Shirka Iskaashiga Puntland iyo Galmudug ee maanta ka furmay Gaalkacyo.

Hoos ka Daawo shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland iyo Gal-Mudug

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,047 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>