Madaxweynaha Puntland Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Nuur Cumar Maxamed

June 17, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, magaca shacabka iyo kan Dowladda Puntland-ba, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Alle ha u naxariistee Marxuum Nuur Cumar Maxamed oo ku geeriyoodey dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland wuxuu Tacsi gaar ahaaneed u dirayaa Xildhibaan Ilhaan Nuur Cumar Maxamed (Ilhan Omar ) oo ka mid ah Congress-ka Mareykanka
oo uu ahaa Aabbeheed iyo dhammaan Caruurtiisa, eheladii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuumku, wuxuuna Rabbi uga baryey marxuumka inuu ka waraabiyo Janadiisa Fardawsa, dembigiisana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo Xildhibaan Ilhaan Cumar, qoyskiisii, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Puntland.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,015 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>