Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Taliyaal Ciidan

June 24, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka inuu noqdo Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda.

Waxaa isla wareegto kale loogu magacaabay inuu noqdo Taliyaha Ciidanka Lugta/Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabaas Amiin Cali oo isaguna hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Badda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa taliyeyaasha xilalka loo kala wareejiyay la wadaagay kalsoonida uu ku qabo howl gudashadooda iyo in ay yihiin saraakiil sii xoojinaya kaalintooda ku aaddan dadaallada dib u dhiska ciidanka, waxa uuna u rajeeyey in Eebe uu u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Wareegtooyinka Madaxweynaha oo salka ku haya dadaallada joogtada ah ee sare u qaadista amniga iyo dib u habaynta Ciidamada Qalabka sida ayaa soo baxday Talaado, taariikhduna ay ku beegnayd 23ka, Juun 2020, waxa ayna ku dhaqan gelayaan faafinta rasmiga ah.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online