Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha DFS oo gaaray Jabuuti

June 14, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Raiisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka FS Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir K/Xigeenka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha si habmaamuus sare leh ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Isla maanta halkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Soomaaliland, iyadoo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

——DHAMMAAD—–

Comments are closed.

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online