Wasaaradda Waxbarashada PL oo soo xiray waxbarshada Elektrooniga ah ee Fasallada 8aad iyo 12aad

June 12, 2020 - Written by Editor

Qardho:-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa wajigii kowaad usoo xirtay Waxbarashada Elektrooniga ah ee Fasallada 8aad iyo 12aad, oo ah hab ay wax kubaranayeen ardayda fasalladaas ee reer Puntland muddadii uu dalka kajiray cudurka safmarka ah ee magiciisa loosoo gaabiyey COVID-19.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa abaal marisay hawl-wadernnadii iyo kormeerayaashii Wasaaradda Waxbarashada ee casharradii Elektrooniga ee ardayda fasallada 12aad ee dugsiyada sare iyo ardayda Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland muddadii uu dalka kajiray, walina kajiro, COVID-19.

Xafladdaan oo ay kasoo qeybgaleen masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarshada, oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, Eng Cabdullaahi Maxamed Xasan, Wasiir-ku-xigeenka Waxbarashada, Bashiir Jaamac Maxamed, Wasiir dowlaha Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Cali Faarax Farmayeeri.

Kadib markii ka-maamul ahaan la isla qaatay Bishii Maarso ee sannadkan in waxbarashada fasalka 12aad iyo 8aad ay kasii socoto TVyada si ardaydu ay u galaan imtixaankooda, islamarkaana uusan wakhtigu uga dhicin ugana habsaamin, ayaa Wasaaradda Waxbarashada Puntland dadaallo dheeri ah keentay in casharrada waxbarashada fasalka 12aad iyo Fasalk 8aad ay ardaydu kaqaatan TVyada sida Puntland TV, SBC iyo DSAT
Waxaan marnaba la illaawi karin shirkadda Golis oo qayb wayn ka ahayd barnamijkaas.

“Khibrad wanaagsan ayaan ka qaadannay COVID19, oo ah in ardaydu ay kusii wadan doonaan waxbarashadooda qaabka casriga ah” ayuu yiri Maxamed Cali Waabari, oo ah masuuliyiinta Wasaaradda. Wuxuu hadalkiisa kusii daray “Wax walba waa ay nagu cusbaayeen laakiin tartiib-tartiib ayaan u fahamnay qaabka casriga ah, taasina waa sababta ay ardaydu u awoodeen inay sii wataan casharradii ka baaqday ee fasalladooda”.

“Waxaan raaceynay awaamiirta dowladda Puntland ee kala fogaanshaha bulshada iyo xiritaanka xarumaha waxbarashada, si loo badbaadiyo nolosha” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Horumarka teknoolojiga ayaa in muddo ahba suurta gelinayey in dad kala fog aqoon is weydaarsadaan, taasna waxaa ka faa’iidaystay xarunta Wasaaradda oo aan bilownay in ardayda kula xiriirno qalab iyo adeeg ay foogaanta wax uga baran karaan. Ayuu yiri agaasimaha Guudi.

“Waxaan qaab online ah cashir ku siinnay ardeyda wax kabarata dugsiyada Puntland iyagoo jooga guryahooda. Sida ay u jecelyihiin in ay wax u bartaan iyo haraadka ay u qabaan waxbarashada, waxaa u weheliya maskax wanaagsan. Ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

“Waxaan aad uga fiicannahay dalal badan oo xasilloonaa soddonkii sano ee lasoo dhaafay. Waxaan durbadiiba qaadnay barashada khadka tooska ah. Soomaalidu waxay u baahan tahay oo keliya wacyigelin fudud oo ay ku rumeysan karaan awooddooda” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland.

Sidaas darteed, ujeedka qorshahan ayaa ah in ardayda fasalka 12aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8aad ee sugsiga dhexe ay sii wataan waxbarashadooda, muddada ay ardaydu dugsiyada ka maqanyihiin, cudurka COVID-19 awgiis, si ay ugu diyaar garoobaan imtixaanaadka kama dambaysta ah ee Punland.
Wasiirka ayaa u mahad celiyey Hay’adihii kala duwanaa ee barnamijka kala shaqayey sida, Hay’adda SAVE the Children , CARE international, iyo Hay’adda UNICEF.

Masuuliyiinta Wasaaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ayaa aad ugu mahad celiyey Hay’adda PDRC shaqadii Wanagsanayd ee ay la qabatay Wasaaradda Waxabarashada, waxayna masuuliyiintu sheegeen inay tahay hooyga Cilmi baarista Soomaliya iyo Puntland.

By: Deeq Hurevov, Madaxa Xiriirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online