Wasiirka Arrimaha gudaha PL oo safar shaqo ku tegay degmada isku shuban

June 19, 2020 - Written by Editor

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL mudane Maxamed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Isku-shuban ee Gobalka Bari.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan DPL, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalada Bari iyo Karkaar,

Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka oo maalmihii udanbeeyey kormeer shaqo ku marayey Degmooyinka Gobalka Bari ayaa salka ku hayey xoojinta Nabadda, wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada, Dardar gelinta canshuuraha, Wacyigalinta Dhismaha Gollaha Deegaanka Hannaanka Geedi usocodka Dimuqraadiyeynta, iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada isku-shuban.

Waftiga uu Hogaaminayey Wasiirka Waxaa Degmada isku-shuban Ku soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka kaluumeysiga DPL,maamulka Degmada iyo Qeybaha Kale Duwan ee Bulshada Degmada.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

231,897 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>