Wasiirka Arrimaha Gudaha PL oo tegay Deegaanka Qoton ee Degmada Beyla ee Gobolka Karkaar

June 17, 2020 - Written by Editor

Beyla:-Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo kormeer shaqo ku gaaray Deegaanka Qoton ee Degmada Beyla ee Gobolka Karkaar

Wasiir Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad oo kormeer shaqo ku gaaray Deegaanka Qoton ee Degmada Beyla.

Waftiga uu Hogaaniyey Wasiirka ayaa markii ay gaareen Deegaanka waxay kulumo Laqaateen Maamulka Deegaanka iyo Qeybaha kale duwan ee bulshada Deegaanka.

Ujeedka kulanka ayaa ku saabsanaa , wada shaqeynta Dawladda iyo isku xirka Bulshada, adkeynta amniga iyo hormarinta Deegaanka Qoton ee Degmada Beyla.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan DPL, xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan DFS, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalka Bari iyo Karkaar,

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA PUNTLAND.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

233,015 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>