Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha PL oo gaaray Degmada Xaafuun

June 15, 2020 - Written by Editor

Xaafuun:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL mudane Maxamed Dhabancad iyo wafti uu hogaaminayo ayaa kormeer shaqo ku gaaray Degmada Xaafuun.

Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad, ayaa ka koobnaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPl, xildhibaan Saleemaan Faarax Ciise oo ka tirsan DPL, xildhibaan Sakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan DFS, iyo Gudoomiye ku xigeenada Gobalka Bari iyo Karkaar,

Ujeedka safarka Waftiga uu hogaaminayey Wasiirka ayaa salka ku haya xoojinta Nabadda iyo wada shaqeynta Bulshada iyo Dawladda, Arrimaha Hormarinta Degmada,
Dardar gelinta canshuuraha iyo kormeer shaqo oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan xarumaha Dawladda iyo kuwa Arrimaha Bulshada ee Degmada Xaafuun.

Ugu danbeyntii Markii uu soo dhammaaday kormeerka Wasiirka ayaa kulan laqaatay maamulka Degmada Xaafuun, Waxgaradka, iyo Qeybaha Kale Duwan ee Bulshada Degmada Xaafuun ee Gobalka Karkaar.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FADERALKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA DPL.

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online