Xaflada loo qabtay Midowga Saddex urur siyaasadeed

June 4, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Waxaa xalay Garoowe lagu qabtay Munaasabad loogu dhawaaqayo Midowga Saddex urur siyaasadeed oo kala ah Qarandoon, Xaqsoor iyo Daryeel lagu qabtay hotelka Marti-soor Garowe.

Ururadan siyaasadeed oo horay u helay aqoonsiga Guddiga Doorashooyin ka kumeel gaar ah ee Puntland(TPEC) ayaa kumidoobay hal urur oo ay u bixiyeen Mustaqbal Political Assocaition.

munaasabada ku dhawaaqida oo si heersare ah loosoo agaasimey waxaa kasoo qaybgalay Siyaasiyiin, Dhaqanka, Culimo, Suxufiyii, Ururada Haweenka iyo Dhallinyarada iyo Ganacsato.

Waxaa ka hadlay xubno matalayay Ururadii isku biiray waxayna tilmaameen in sadexda urur ay isku mabaadiida iyo ahdaafta kawada sinaayeen oo ay xigmaddu ahayd inay isu kaashadaan xaqiijinta himilooyinka iyo rabitaanka Dadka Puntland iyo Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Ururka Mustaqbal ayaa soo badhigay Warmutiyeedkiisa Midowga oo sidan u dhignaa:-

Anagoo ah sadexda urur siyaasadeed ee kala ah QARANDOON, XAQSOOR iyo DARYEEL, kana diiwaangashan Puntland waxaanu ku midownay hal urur siyaasadeed oo magaciisu yahay MUSTAQBAL.

Ujeedada keentay midawga waxay tahay iyadoo ururada midoobay ay aaminsanyihiin aragtiyo siyaasadeed isku mid ah, aragtidaas oo ku salaysan cadaalad, maamul wanaag iyo horumar taabagal ah oo ka hirgala Puntland iyo guud ahaan Soomaaliaya.

Aasaasayayaasha iyo hormuudka saddexda urur waxay garawsadeen muhiimada ay leedahay midaynta xoogaga siyaasadeed si loo xoojiyo midnimada umadda, loogana dhabeeyo rabitaanka dadka Puntland.

Ururka MUSTAQBAL, wuxuu ugu baaqaynaa shacabka Puntland, inay si firfircoon uga qaybgalaan siyaasada iyo doorashooyinka si looga gudbo habka ku dhisan soo xulista beelaha, looguna gudbo hab xukunka lagu gaadhayo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtiyaysan.

Dhamaan urur siyaasadeedyada waxaan ugu baaqaynaa in la ilaaliyo shuruucda u degsan dalka, waxaanuna ka digaynaa in hantida iyo shaqaalaha rayidka ah loo adeegsado ololaha siyaasada.

“WAXAA INA WADA DEEQA QARAN KU DHISAN CADAALAD IYO MIDNIMO

——DHAMAAD—–

Leave a comment

*

Archives
June 2020
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online