Ciidamada madaxtooyada PL oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

July 8, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Waxaa galabta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Gal-Mudug ciidamada ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada Puntland iyagoona ka soo kici timay magaalada Gaalakacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Ciidamadaan oo ah kuwa gaar ah ee ilaaliya Madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb waxaan ay degaan goob loo asteeyey in ay degaan wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo maalinta beri ah soo gaari dono magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Gal-gaduud.

Warar hoose ayaa sheegay in ciidamada tegay magaalada Dhuusamareeb ay yihin ciidanka loo yaqaan PSF  oo ah kuwa Sirdoonka Puntland oo ilaalo gaar ah ka qabta shirarka madaxda iyo weliba goobaha muhiimka ah ee ay Madax Puntand ay degan yihin.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay wasaarada amniga maamulka Gal-Mudug oo ka waramay ciidamada tegay Dhuusamareeb balse waxay u muuqataa in ciidamada PSF Puntland ee soo gaaray Dhuusamareeb ay weheliyaa ciidamada DANAB ee fariisamaha ku leh deegaano ka tirsan Gal-Mudug.

Dhinac kale ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya loona yaqaan Haramcad oo gaarayey 200 oo askari ayaa saaka diyaarado ka qaadeen magaalada Dhuusamareeb  waxaan loo daad gureeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

M_M_Deeq
Halgan.net

Comments are closed.

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online