Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dib u fureysa Duullimaadyada Gudaha Dalka

July 2, 2020 - Written by Editor

Muqdisho:-Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay Is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

—DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online