Golaha Wakiilada Dawladda PL oo ansixiyey Xisaab-xirka 2019

July 2, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka 2019 ee ay soo diyaariyeen Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

Fadhiga 11-aad ee Kal-fadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxaa shir-guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga Golaha waxaa goob-joog ah 41 Xildhibaan, Ajandaha ayaa ahaa soo gudbinta Warbixinta Xisaab-xirka 2019 ee Guddiga Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada DPL ee gacanta ku hayey xisaab-xirkii sannad-maaliyadeedka 2019 oo Guddiga ku sameeyay akhriskii 2aad.

Ka dib Tallo-soo jeedinta Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL waxaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay Xisaab-xirka, 39 Xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan mana jirin cid diiday.

Baahintii

Xafiiska Waciyigalinta iyo Warfaafinta Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland

Comments are closed.

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online