Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo la soo xiray

July 31, 2020 - Written by Editor

Garoowe:-Fadhiga 29-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa Dib-u eegista Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo ay soo gudbiyeen Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada DPL.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa loo qeybiyay Xeerka Isgaarsiinta DPL oo lagu soo saaray faafin rasmi ah Bishii Dec 25, 2007.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa Golaha Wakiillada DPL ansixiyeen Dec 11, 2007, waxaana Guddiga joogta Golaha Wakiillada DPL go’aan ku ogolaaday Dib-u eegistiisa Jan 01, 2020 sidaasna uu uga mid noqday Ajandaha Fadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga oo ay joogeen 40 Xildhibaan waxaa u codeyay Ogol 37 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 3 Mudane.

Dhinaca kalena, waxaa si rasmi ah uu Gudoomiyaha Golaha Wakaalada Dowladdu usoo xiray kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland kaas oo soo socday illa June 15, 2020.

Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiillada DPL ayaa noqday Kalfadhigii ugu horeeyay oo Puntland muddo 15 sanno ah si joogta 29 fadhi ay isugu yimaadaan Xildhibaannadda Golaha Wakiillada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online