Madaxweynaha JFS oo Khudbad ka jeediyey munaasabadda 1-da Luulyo

July 1, 2020 - Written by Editor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qayb-galay Tiyaatarka Qaranka Munaasabadda Xuska 1-da Luuliyo ayaa shacabka ku adkeeyey in ay ka shaqeeyaan midnimada, dib u dhiska iyo awoodsiinta hannaanka dowladnimada oo ah waddada kaliya ee aynu kula tartami karno shucuubta caalamka.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda iyo dadaalkii dadkii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda iyo dowlad dhiska dalkeenna, isaga oo ku booriyey shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed in ay markasta tusaaleystaan dowladnimadii iyo dal jacaylkii halgameyaashii SYL, kuwaas oo naftooda u huray sidii ay inoo dhaxalsiin lahaayeen mustaqbal iyo dal wanaagsan.

“Waxaan leenahay sumcad taariikhi ah oo caalamku ay nagu tixgeliyaan, taas oo ay noo horseedeen halgameyaasheenii maantana waan awoodi karnaa in aan taas dib u soo celinno, hadii aan ka shaqeyno midnimada iyo xoojinta waddaniyaddeenna kana fogaanno qabyaaladda oo aan ognahay meesha ay na dhigtay”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay u istaagaan sidii loo xoojin lahaa dowladnimada iyo dib u dhiska dalka, waxa uuna ku bogaadiyey isxilqaamayaasha Shaqaalaha Rayidka ah, ganacsatada iyo howlwadeennada Gobolka Banaadir doorka wanaagsan ee ay ka qaateen hirgelinta Ololaha Isxilqaan.

Madaxweynaha oo xus iyo duco u gaar yeelay halyeeyadii u shahiiday iyaga oo dalkeenna u adeegaya, ayaa Alle naxariis iyo dambi dhaaf u weydiiyey Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yariisow) oo hormuud u ahaa Isxilqaameyaasha Gobolka Banaadir ee ay ka go’an tahay soo celinta bilicda, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xarumaha danta guud ee Caasimadda.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyay Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tixgelinta iyo aqbalidda codsigiisii ku saabsanaa xaqiijinta mataaladda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo bulshada Caasimaddu ay sanaddo badan ku taamayeen.

“Waxaan u mahadcelinayaa Golaha Shacabka iyo Guddoonkiisa oo ka jawaabay dareenka dadwaynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna kuwa ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ay iyaga oo tixgalinaya codsigaygii ansixiyey metalaad gobolku ku yeesho Aqalka Sare. Inshalaah waan sugaynaa dhaqan galinta matalaadda.”

Gabagabadii munaasabadda, Madaxweynaha ayaa shahaado sharaf guddoonsiyay hormuudka mutadawiciinta Ololaha Isxilqaan, Maareeyihii hore ee Golaha Murtida iyo Wacyigelinta Abwaan Cusmaan Cabdullaahi Guure, Guddoonka Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Maareeyaha Wakaaladda Dhismaha Qaranka Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah oo ku guddoomay magaca dhammaan Shaqaalaha Dowladda.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online