Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay xubnaha ku matali doona JL Guddiga ka shaqaynaya Hanaanka Doorashooyinka dalka

July 24, 2020 - Written by Editor

Kismaayo:-Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam isagoo tixraacaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah ee magaaladda Dhuusamareeb ee Dowladda Galmudug, kaas oo qabsoomay 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo qodobadii kasoo baxay ay ka mid ahayd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, shaqada guddigan ayaa ah in uu kasoo shaqeeyo hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Hadaba Madaxweynaha Dowladda Jubbaland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Jubbaland

1- Xirsi Jaamac Gaanni , Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada.

2- Xamze Cabdi Barre , Gudoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland.


DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

232,976 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>