Madaxweyne deni oo magacaabay xubnaha ku matali doona PL Guddiga Farsamo ee Hanaanka Doorashooyinka dalka

July 24, 2020 - Written by Editor

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni isagoo ka duulaya war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah kuna qabsoomay magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug, 22 Luulyo, 2020, Shirkaas oo nuxurkiisa ay ka mid aheyd in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, guddigaas oo kasoo baaraandagi doona hannaanka iyo habsami u socodka Doorashooyinka Dalka.

Sidaasi darteed, Madaxweynaha Dowladda Puntland wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Puntland.

1- Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda.

2- Cabdiweli Cali Cabdulle, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.

*Xeerkan waxaa uu dhaqan gelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online