Ra’iisul wasaare Kheyre iyo xukumadiiisa oo la riday. [Video]

July 25, 2020 - Written by Editor
Muqdisho:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu saaka kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Gudoomiyaha golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre halka ay diideen ilaa 8 xildhibaan.

Gudoomiyaha golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Somaaliya Maxamed Abdullaahi Farmaajo inuu si dhaqso ah u soo magacaabo ra’iisalwasaare cusub.

Xarunta golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay buuq iyo fowdo ka dib markii wasiiro ka tirsan xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre iyo Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamanka ay ka biyo diideen qaabka loo riday xukuumadda iyagoo ku tilmaamay mid aan sharci ahayn.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2020
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online